HAGAHA ARDAYGA (FREE)

HORDHACA BUUGA

Buugan oo ah buuggii ugu horeeyay ee noociisa ah ee afka soomaaliga ah lagu qoro ayaa waxaa igu dhaliyay arimo ay ka mid yihiin:
- Baahida ardayga sanadka 1-aad ee jaamacadda uu uqabo garab iyo latalin daacad ah.
- Cabsida iyo walwalka ardayga uu ku nool yahay sanadka 1-aad ee jaamacadda oo badankeed ah wax uu ka gudbi karo.
- Dhaqan jaamacadeedka iyo qaabka waxbaridda oo ah mid ku cusub kuna adag ardayga sanadka 1-aad ee jaamacadda.
- Baahi dheeraad ah oo aan u qabo caawinta ardayda walaalahey ah, iyo in aan u iftiimiyo culeyskii aan soo maray aniga xilligeygii sanadka 1-aad ee jaamacadda.

KA HOR JAAMACADDA

Markii aad soo dhamaysato Dugsigaaga sare, ka hor intaadan dooran jaamacad waa in aad Qaadataa go’aan aad iyo aad muhim ugu ah noloshaada.
– waana in aad doorataa xirfadda ama shaqadaada mustaqbalka, hadaba markii aad ogaatid waxa ay tahay xirfaddaadu ayaad waxaad ku dhaqaaqaysaa go’aamadan soo socda .
- Doorashada Takhasuska aad Baran lahayd iyo
- Jaamacaddii aad ka baran lahayd.
Ma fududa Go’aamadaas, maxaa yeelay waxay saamayn ku yeelanayaan Mustaqbaaalkaga dambe.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 33 Page
Size: 600 KB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Shopping Basket