- iimaanku wuxuu tagsiyaa muragada iyo dhibta waana il qabowsiga muwaxidiinta (kuwa alla kaliyeelay). - Wixii tagay way tageen haka fikirin waxa dhamaaday ee tagay. - Hadaad waa bariisato ha sugin galabaysi, ku kulmi hamigaaga hagaajinta maalintaada. - Ka tag waxa mustaqbalka imaanaya ilaa uu ka yimaado, ha danaynin Beri maxaa yeelay hadaad maanta wanaajiso Beri ayadaa wanaagsanaanayso. - Laazim socodka iyo jirdhiska, ka dheerow caajiska, ka tag firaaqada iyo shaqo la’aanta. - Ugu mahad noq rabigaaga nicmada uu ku siyey, ugu mahad noq nicmada diinta, caqliga, caafimaadka, maqalka, aragga, rizqiga….. - Miyaadan ogoyan in dadka ay ka mid yihiin kuwo waayey caqliga ama caafimaadka ama maxbuus ah ama imtixaamaysan. - La noolow qur’aanka adigoo xifdinaya, aqrinaya, ku tadaburaya, taasi waa dawo midda ugu ween ee lugu cayriyo muragada iyo dhibta. - Alle tala saaro u dhiibo taladaada oo idil, ku raali noqo xukunkiisa, asaga magan gal, ku tiirsanow isaga ayaa ku kaafinaya. - Cafi cidda ku dulmisay, xiriiri cidda ku jartay, sii cidda wax kuu diiday, udulqaado cidda ku xumaysay waxaad helaysaa farxad iyo amni. - Ogow in culayska ka danbeeyo fudeed, dhibtana ka danbeeso faraj. xaalada sidaan masii ahaanayso, maalmuhu way wareeganayaan. - Ku farax sida alle kuu dooray maxaa yeelay adiga ma ogid sida maslaxada kugu jirta waxay noqon kartaa in dhibta kaaga khyr badan tahay barwaaqada. - Imtixaanka aduunyada wuxuu kuu dhaweynayaa allah wuxuu ku barayaa ducada, wuxuu kaa tagsiyaa kibirka iyo faanka. - Ka dheeraw mala xumada, tuur ismoogaysiiska sidoo kale ka dherow waxyaalaha xun iyo fikradaha jiran. - Ogow inaadan dhibtu kaligaa ahayn, cidna Kama badbaadin muragada iyo dhibatooyinka. - Yaqiinso inay dunida tahay meel imtixaan ku qaabil xaaladeeda allana u kaasho. - Ka fakir dadka kaaga horeeyey nolashaan, waxaa ka mid ahaa dad la dheereeyey, la xabisay, la dilay iyo dad la imtixaamay. - Wax kastoo ku asiiba ajarkiisa Allah ayaa ku siinaya oo ka mid ah murugta, dhibaatda, xanuunka, faqriga iyo gaajada………. - Hala fariisan dadka carada badan, xaasidiinta ah maxaa yeelay waa dad xambaarsan murugo iyo dhib. - Ku ilaali salaadaha inaad ku tukato jamaaco, badi ku nagaanshaha masjidka, ka caado dhigo u dagdagida salaadaha waxaad heleysaa farxad iyo sacaado. - Waxaan kaaga digayaa dunuubta, iyada ayaa ah halka ay kasoo burqato murugta, waxay sababtaa musiibooyin. - Yuusan ku saameynin hadalada xun ee lugu dhahaayo maxaa yeelay waxay dhibaysaa qofka dhahay ee adiga kuma dhibayso.