Nurse ama kalkaaliye waa qof katirsan habdhiska caafimaadka waxa eyna shaqadiisu tahay kor uqaadista caafimaadka, ka hortagga cudurrada, wacyigalinta bulshada (community orientation) daaweeynta iyo xaanaaneeynta bukaanka. Waxaa jira nuucyo badan oo kalkaaliye ah waxaana ugu caansan:
Registred nurse (RN):
waa qof wata heer waxbarasho waxa uuna ka warqabaa lana tacalaa bukaanka, waxa uuna wacyigalin talabixin la xiriirta caafimaadka siiyaa bukaanada iyo bulshada. Registred nurse waxa uu la hool galaa dhaqaatiirta iyo xirfadleeyda caafimaad meelo kala duwan (various settings).
Certified Registred Nurse Anesthetists (CRNA):
waa qof wata heer waxbarasho oo master degree gaarsiisan lehna xirfad iyo tababar aad u sareeya, waxa eeyna shaqadiisa tahay suuxinta bukaanka xilliga qaliinka (assisting with anesthesia during surgery).
Critical care nurse:
waa qof aad u tababaran waxaana loo kaashtaa in uu wax ka qabto xaaladaha aadka u daran sida dhaawacyada xooggan, iyo in uu xalliyo dhibaatooyinka caafimaad ee dhimasho horseedi kara.