Marmar ayaa uu sirdoonka Israa'iil ku guulaystaa in uu helo basaasiin Carbeed oo uga dhex shaqeeya dalalka iyo dadyowga Carabta ah, gaar ahaan Falastiiniyiinta oo ay xog joogto ah uga bahanyihiin iyo dalalka ku xeeran ee Masar, Suuriya iyo Urdun. Buuggani waxa uu ka warramayaa Amiina Almufti, oo ahayd gabadh Carbeed oo kaalmaha hore kaga jirta liiska dadkaas Carbeed ee laga dhigay basaasiinta Yuhuudda u adeega. Waa noloshii qoyskeeda iyo koritaankeedii carruurnimo, xidhiidhkii jacayl ee cadaawadda koowaad ugu beeray Carabta, jidkii hallowga ee Amiina ku hoggaamiyey basaasnimada, guurkii Yuhuudiga iyo sida ay dhimashadiisii dariiqa ugu jeexday basaasnimadeeda. Amiina waxa ay guursatay wiil Yuhuudi ah, diinta Yuhuudda ayaa ay qaadatay, magaceedana waxa ay u beddeshay Aani Mooshe. Waxa ay gashay basaasnimo ka dhan ah Falastiiniyiinta oo ay u arkaysay in ay tahay aargoosi ay kaga aargoosanayso wiil Falastiini ahaa oo jacayl carruurnimo kaga baxay, iyo dalka Suuriya oo soo riday diyaarad dagaal oo uu waday saygeedii Yuhuudiga ahaa. Colaaddan isbarkan ayaa keentay in ay dagaal arxan darro ah la gasho Falastiiniyiinta. Waxa uu buuggu soo bandhigayaa xirfadda iyo tayada sirdoonka Falastiiniyiinta, fashilintii basaasnimada iyo xeeladdii yaabka badnayd ee loo maray ciqaabtii iyo baadhistii lagu ogaaday basaasnimadeeda.
Amina Almufti waxa ay ka mid tahay basaasiinta ugu caansan ee ay MOSSAD ka shaqaalaysay Carabta, Magac fiican iyo soo dhoweyna kala kulantay Yuhuudda oo u bogay daacadnimada ay ugu shaqaysay iyo culayska xogaha ay u soo xaraysay, oo badbaadisay nafo badan oo Yuhuud ah. Sababna u noqday in laga hortago hawlgallo ay qaarkood hubaal ahayd in ay dhaawac gaadhsiin lahaayeen ammaanka Israa'iil. Waxa aanay ku mutaysatay maamuus gaadhsiiyey in magaceeda lagu daro taallada "halyeeyada MOSSAD" lagu qoro. Waa dhacdooyin run ah oo qaarkood u dhadhamayaan qaab aanay hore maskaxdu u sawirran karin sida ay u dhici karaan arrimo noocaas ahi. Sida uu qoraaga buugga Amiina Almufti "Fariid Al-falluuji" ku tilmaamay waa gabadh qurux aanay dhaayaha raggu ka jeedsan karin loo dhammeeyey, oo ku darsatay cuddooni joog iyo jidhba leh. Waxaa u sii dheeraa, maskax badnaan iyo faham aad u heersarreeya. Tilmaamahaas oo ay yar tahay cid ay isu raacdo ayaa iyada usuurto geliyey in ay dhexgasho ururrada hubaysan ee Falastiiniyiinta, ee xarumahoodu ahaayeen dalka Lubnaan, gaar ahaan Beyruut iyo Koonfurta dalka Lubnaan, Waxa ay gaadhay xafiiska hoggaamiyihii Falastiiniyiinta Yaasir Carafaat oo ay ka heshay soo dhoweyn albaabadiisu u wada furan yihiin iyo in uu siiyo dukumanti rasmi ah oo ay ku dhexmari karto, kuna dhexgeli karto Falastiiniyiinta iyo hayadaha kala duwan ee ururrada Falastiiniyiinta, iyada oo sheeganaysa dhakhtar tabarruc ugu yimid wax u qabashada walaalaha dhibban.
Sheekadani waxa ay si fiican inoo baraysaa qayb ka mid ah loollanka adag ee u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa'iil, oo laga yaabo in dad badani aanay xog sidan u sii dhaadhacsan ka haynin. Marka laga reebo in ay ogyihiin dad rayid ah oo dhulkoodii la qaatay, kuwaas oo doonaya in ay dhagaxtuur ku soo ceshadaan xaqooda. Waxa kale oo laga baranayaa duruus la xidhiidha cilmi nafsiga iyo shakhsiyadda cajiibka ah ee dadku, sida ay u noocyo badan tahay. Tusaale ahaan qoraa Farid Alfalluuji waxa uu shakhsiyadda Amiina inoo barayaa in ay tahay, mid yaab badan oo isburinaysa, taas oo inoo caddaynaysa in nafta aadamuhu ay weligeedba tahay wax in la wada fahmaa ay adagtahay. Waana sababta uu ugu hungoobo qofka aan faham ka haysan shakhsiyadda dadka iyo sida ay u adagtahay barashada noocyadeeda ama in aadamuhu aannu inta badan lahayn qofnimo run ah oo loogu soo hagaago, balse ay tahay in wax kasta laga fisho. Buuggani xiise uma samaynayo keliya dadka xiiseeyaa sheekooyinka sirdoonka, balse waxa uu sida oo kale macno u samaynayaa dadka jecel sheekooyinka jacaylka iyo arrimaha bulshada ah. Waxa ay ka qaadan karaan casharro iyo waayo aragnimo cilmi nafsi ah oo aadamaha la xidhiidho.