Buugga Waxaad tahay Adduunkeyga waa qeybtii labaad ee buuga Magaalada jacaylka, Buuggan wuxuu ku saab-san yahay is-weydaarsi farriimo qoraal ah oo u dhexeeya qoraaga iyo gabadhii uu jeclaa. Qoraagu wuxuu helayaa waraaqo ama qoraallo ay u dirtay gabadhii uu jeclaa, waxaana qoraalladaas ku qoran xasuuso, dareen ah, Gabadha waxay uga warramaysaa sidii ay u jecleyd, sidii ay u sugeysey, iyo waxa ay dareentay markii uu ka baxay nolosheeda ama xiriirkoodii uu bur-buray.