Buuggan wuxuu kulminayaa Xikmado iyo oraahyo ka hadlaya qeybaha kala geddisan ee nolosha sida, diinta, siyaasadda, waxbarashada, jacaylka iyo waqtiga. 7 Xikmadood oo aan buuga ka soo qaatay: 1- Laguma dullaysan doono haddii aadan cidna wax ka rajeyn. 2- Layaab, Tahriibe u dhimanaya biyo la'aan, marna biyo ku maanshoonaya. 3- Subax wanaagsan, haddii shalay ay ku murjisay waa maxay dambiga ay maanta leedahay oo aad u tusee wejigaada oo xanaaqsan. 4- Waxay ku waydiinayaan shaqada aad qabatid si ay go'aan uga gaaraan heerka ixtiraamka ay ku siin lahaayeen. 5- Waddanka waxaa leh taajiriinta, waddaniyaddana waxaa leh fuqarada. 6- Dadka qaar waa sida taariikhda, lama illaawi karo lamana soo celin karo. 7- Dagaal midka ugu adag waa midka uu insaanku naftiisa la galo.