BUUGA XAKAME (IIBSO)

HORDHACA BUUGA

In badan ma ku hammisay in aad samaysid isbeddal nololeed oo ka duwan kana qiime iyo qaaye wayn nolosha aad hadda ku nooshahay? In badan ma ku riyootay adiga oo ka dhabeeyay himmigaagi iyo hiigsigaagi aad muddo dheer naawilaysay in aad maalin uun gaari doontid? Ma aragtay oo ma kuu sawirmay hummaagga kobtii himiladaadu ahayd adiga oo gaaray oo ku naaloonaya noloshadii aad maalmo iyo habeenno badan ku hamminaysay? Ma kuu bidhaameen martabadii iyo derajadii aad jamatay oo aad gaartay? Ma jeexatay yoolal aad is lahayd ku gaar oo kaga dhabee higsigaaga iyo figta sare ee aad gaaristeeda in badan naawilaysay?
Haddana had iyo jeer ma is aragtaa adiga oo aan weli bartii ka dhaqaaqin oo weli ku nool noloshii aad rabtay in aad ka digarogatid? Marar badan ma go’aansatay in aad ka dhabaysid riyadaada ma na ku dhaqaaqday tallaabooyin aad ku jirinaysid gaarista himiladaada haddana maalmo ka dib ma ka caajistay oo faraha ma ka qaadday? Haddaba, buuggani waxa uu ku barayaa xirfaddii iyo farsamaddii aad himiladaada iyo higsigaaga ku xaqiijin lahayd. Waxa uu ku barayaa daawada caajiska, wahsiga iyo xoogdaliignimada mar walba kaa hortaagan ka dhabaynta riyadaada. Farsamadaas iyo tabahaas oo ah iska adkaanta iyo xakamaynta naftaada.

Waxa aad buuggan ku baran doontaa waxa iska adkaanshuhu (Self-discipline) yahay asaga oo ku siinaya tabaha aad ku noqon kartid qof iska adag oo goor walba ku foogan xaqiijinta gaarista himiladiisa iyo higsigiisa mustaqbalka. Sida aad ku arki doontid cilmibaarisyo si cilmi ah loo hubiyay oo gudaha buuggan ku jira, iska adkaantu waa furaha guusha ma na jiro qof guul iyo horumar gaaray asaga oo aan noqon qof iska adag. Brian Tracy oo ah qoraaga buugga “NO EXCUSES: THE POWER OF SELF-DISCIPLINE” waxa uu yiri “iska adkaantu waa furaha nolol qaayo leh haddii la waayana ma jiri doonto guul waarta”. Si aad ku noqotid qof iska adag waxaa lagamamaarmaan ah in aad baratid waxyaabo badan oo la’aantood ayan suuragal ahayn in aad iska adkaatid, kuwaas oo ay ka mid yihiin caadada (habits) iyo siyaabaha caadooyinku ku abuurmaan, iyo siyaabaha caado wanaagsan oo cusub lagu qabatimo mid xunna la isaga gooyo, tabaha looga faa’idaysto awoodda daahsoon; iyo siyaabaha lagu xakameeyo damaca fidnaysan. Waxa kale oo buuggan aad ku baranaysaa maaraynta waqtiga iyo joogtaynta oo la’aantood aadan noqon karin qof iska adag, la’aantoodna aadan guul iyo horumar gaari karin.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 173 Page
Size: 1 MB
Nooca: PDF
Lacagta: 2$

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *