DAAWADA MURUGADA (FREE)

HORDHACA BUUGA

Imisa maalmood ayaa ka soo wareegay ilaa markii aad go'aansatay inaad badasho noloshaada si aad Farxad ugu noolaato? waxaan filayaa inaad ciriiri dareemayso, waxaan filayaa in aad garan la'dahay waxaad samayso. Hadaba Iga Fur albaabka, waxaan ahay Farxad. Farxaddu waxay garaacaysaa albaabbada qalbiyadeenna maalin walba, waxayna naga sugeysaa inaan uga furno rajo wanaagsan iyo innagoo Alle tallada u dhiibano sidoo kale dhoolacadeyn iyo hadal qurux badan. Waxaa hubaal ah in dad badan maanta aduunka ku nool uu heysto murugo, welwel, ciriiri iyo culeys joogta ah. In badan waxay taagan yihiin quus iyo rajo la'aan, waxayna raadinayaan Farxad, Degnaansho. Waxaan aad ugu faraxsanahay oo aan kuugu hambalyeynayaa, adiguna isku hambalyee in aad gacanta ku hayso buugga "Daawada Murugada", oo ah buug aad ka heleysid sida loo nooleeyo rajadaada marka ay noloshaadu mugdi gasho.

Buuggan wuxuu dhab ahaan kaa caawin doonnaa talaabo kasta oo aad u baahantahay inaad qaado, si aad oga baxdid dhamaan murugada iyo dhibaatooyinka aad dareemeysid, waxaadna ka heli doontaa dhiirigalin aad u badan oo aad ku dareemi doontid farxad. waxaad ka heli doontaa Awood aad kusii wadato, waxwalba marka ay kuugu adkaadaan. Buuggan kuuma sheegi doono oo Kaliya sida looga boxo Murugada, balse wuxuu kuu sheegi doonaa talaabooyin (practical) ah iyo talooyin waxtar leh oo aad ku dabaqi karto noloshaada. Buugan wuxuu xal u yahay dhamaan murugada aad dareemeysid. Ma aqaan cidda buugeyga aqrisaneysa laakiin waxaan kugu duceynayaa in Alle kaa farxiyo, ilinta kaa fogeeyo, rajadaada kuu rumeeyo, qalbigaaga sugo, arimahaaga kuu fududeeyo, cimriga kuu barakeeyo, danbigaaga dhaafo. Hadaad jeceshahay inaad marwalba faraxsanaato oo noloshaada ku qaadato farxad waxaad heshay fursadii ugu weyneyd, akhri buugan oo Barro halka laga helo farxadda nolasha.

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 135 Page
Size: 16 MB

3 thoughts on “DAAWADA MURUGADA (FREE)”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *