DHALIISHA DHAQANKA SOOMAALIDA (IIBSO)

Dhaliisha Dhaqanka Soomalida PDF

Ummadda Soomaaliyeed waxay kamid tahay ummadadaha aduunka ugu hooseeya marka laga eego dhinac walba, dhinaca dhaqaalaha, cadaaladda, caafimaadka, waxbarashada, shaqo abuurka, nabada, nadaafada, difaaca, dhismaha, wadooyinka, wax soosaarka, iwm. Halkan waxaan ku xusayaa baadhitaano la sameeyey oo cadaynaya kaalinta aynu aduunka kaga jirno:
1. Human Development Index: is bar-bardhig lagu qiimeeyey 130 wadan Soomaalidu waxay gashay kaalinta 123 (waa kaalin aad u hoosaysa, oo kuu cadaynaysa in aynu ka mid nahay wadamada ugu faqiirsan aduunka).
2. Aduunka waxaynu kaga jirnaa wadamada ugu horeeya cadaalad darradda, xatooyadda (boobka) xoolaha ummadda, wax soosaar la’aanta, nadaafad darradda, nabad la’aanta, dhaca iyo boobka, iwm.
3. Unemployment Rate: dadkeena 80% ma haystaan shaqo ay maalintii u kalahaan.

Qodobadaas kor ku xusan, iyo qaar kale oo aad u badani, waxay ku tusayaan nolosha aadka u hoosaysa, u dhibaatada badan, una liidata ay ku nool yihiin ummadda Somaalidu. Dhibaatooyinkaasi waa kuwa ugu waawayn ee Soomaalida haysta. Waxaase jira dhibaatooyin kale oo aad u badan oo aannan halkan ku xusin (cutubada buugga ayaan ku sharaxayaa dhibaatooyinkaas kale). Dhibaatada kasii wayni waxaa weeye in aynaan garanaynin sidii aynu u xalin lahayn dhibaatooyinkaas. Sababta aynu u xalin kari waynay dhibaatooyin kaasina waxaa weeye: waxaynaan fahmin meesha ay dhibaatadu salka ku hayso, ee ay kasoo bilaabantay. Halkee ayay salka ku haysaa ama ay kasoo bilaabantay dhibaatadan ummaddeena haysataa?
Hadii aynu fahano meesha ay dhibaatadeenu salka ku hayso, ee ay kasoo bilaabantay, waxaa xaqiiq ah in aynu helayno sidii aynu u xalin lahayn. Dad badan ayaa isku dayay inay ka jawaabaan su’aashan: halkee ayay salka ku haysaa oo ay kasoo bilaabantay dhibaatadeenu? Dadkaas badankoodu si khaldan ayay uga jawaabeen su’aashaas. Jawaabaha ay dadkaas kala duwani ka bixiyeen su’aashan waxaa kamid ah: qaar waxay yidhaahdeen, waa (qabyaalad), qaarna waxay yidhaahdeen, waa (hogaan xumo), qaarna (diintii oo laga fogaaday) qaarna (jahli), qaarna (faro gelin shisheeye), qaarna (nidaam xumo) qaarna (musuq-maasuq) iwm. Waxaas oo dhami waa dhibaatooyin jira. Laakiin, midkoodna ma’aha waxa salka u ahee sababay dhibaatadeena.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 415 Page
Nooca: PDF
Size: 1 MB
Lacagta: 1$

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *