DHAMBAALADA QUR’AANKA PDF

HORDHACA BUUGA

Buugga “Dhambaallada Quraanka” waa buug xambaarsan farriimo xeel dheer oo qoraagu uu ka dheegay Kitaabka Quraanka ah, waxana uu si toos ah ula hadlayaa qof kasta oo dhugta, isla jeerkaasna waxa uu tibaaxayaa casharro nololeed oo anfacaya nafta iyo bulshada labadaba. Buuggu ma aha tafsiir aayadaha Quraanka ah micnaynaya sidii aynu ku naqaannay kutubta tafsiirka, isla jeerkaasna maaha laqbadii aynu ka barannay culimada ee kalmadaha Quraanka iyo micnahooda la isa saarayay, waxa uu buuggu soo qaadanayaa aayado ama qayb ka mid ah aayad kaddibna waxa uu ka dheeganayaa oo ka soo saarayaa casharro nololeed iyo talooyin si toos ah u taabanaya qalbiga.

Kolka laga yimaaddo xulashada aayadaha waxa quruxda buugga sii kordhinaya gaagaabnaanta casharrada oo qorku aanu ku daalayn, isla jeerkaasna awood u siinaya qofka in uu kolba qayb kooban si fiican u dhugto, casharro iyo talooyin nololeed oo isbeddel dhab ah noloshiisa ku samaynayana uu kala baxo. Waxa kale ee buugga xiisaha gaarka ah u yeelaya ayaa ah in sida aynu buugaagta kale uga barannay aanu ahayn buug isku xidhan oo bilowgiisa iyo dhammaadkiisu is haystaan. Waa buug bog kasta oo ka mid ahi uu madax bannaan yahay, isla markaasna aad gaarkiisa u akhrisan karto, qayb kastaa waa casharro gaar ah oo aan ku xidhnayn qaybaha kale, sidaas awgeed waxa aad awood u leedahay in marba dhinaca aad doonto aad kaga timaaddo.

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 246 page
Size: 19 MB
Lacagta: $1.5

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Shopping Basket
Cilmiye Books
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.