Sannadihii u danbeeyay, waxa muuqanayay in dhallinta Soomaaliyeed in ka mid ahi ay ku saamowday mawjadaha awoodda badan ee yoolkooda iyo ujeedkoodu yahay, in madmadow (Shubuhaad) diintooda lagaga furo. Saameynta mawjadahaasi ku yeesheen in ka mid ah dhallinta Soomaaliyeed waxa sabab weyn u ah, in aanay ku hubaysnayn gaashaankii ay iskaga difaaci lahaayeen kuna caddayn lahaayeen qallooca ku jira afkaarta la weedhaafinayo loona muujinayo in ay beddel ka noqon karaan diinta Islaamka ama madmadowga dadka diinta laga gelinayo.