Shaki kuma jiro fadliga uu leeyahay cilmiga sharcigu, waayo isaga ayaa ah dhaxalkii Nabiga S.C.W, la'aantiina cibadada iyo camalku toosnaan maayaan. sidaas darteed waa i qofka caqliga leh ee doonaya nabadgelyada aduunka iyo aakhiradaba uu ku dadaalaa cimiga sharciga, kana ag dhawaadaa mar walba culimada rabaaniyiinta ah ee ku caan baxday cilmiga ku qotoma kitaabka iyo sunnaha , kuna tilmaaman camalka iyo cibaadada toosan ee bidcada ka fog, islamarkaana kudadaala waraca iyo taqwada alle S.W . kuwasayna yihiin kuwa qofkii ka ag dhawaadaa ka badbaadayo shaqinimo iyo baadi ilaahey idamkii. Buugaan gaaban oo ka kooban (94) fatwo waxaan ku soo uruuriyey fatwoyin la xidhiidha axkaamta soomka. ku waasi oo ay ka jawaabeen sheekh Cabdul-Casiis bin baaz iyo Sheekh Muxammad bin Saalix al- Cusaymiin (raximahullaah).
Labada Sheekh oo run ahaantii ka mida Culimada dunida islaamka soo martay casrigan kuwa ugu waaweynaa, waxay ku sifoobeen cilmi xeel dheer oo ka anba qaadaya kitaabka iyo Sunnaha, waxay ka badbaadeen tacasubka indha la' ee qofka ka horistaaga inuu xaqa ka aqbalo kuna dhaqmo. waxa intaa udheeraa warac iyo taxadir badan oo ay ka nabad galeen inay fatwadoodu noqoto hawo raac iyo xaq ka caymad. ilaahey hanagu anfaco cilmigooda. Annaguna waanu jecelnahay culimadayada kuwii salafka iyo kuwa wadadoodii haya ee maanta iyo casriganba nool, Jaceylkooduna waa mid diin noo ah oonu ilaahey S.W ugu dhowaaneyno, Waxaan leeyahay siduu imaam ad-Daxaawi uu yidhi:
(Culimadii hore ee salafka iyo kuwii taabiciyiinta ee dambeeyay waa ehlu Khayr iyo ehlu xadiisa, waana ehlu fiqi arag leh, lagama sheegi karo waxaan wanaag eheyn. qofkii xumaan ka sheegana wuxuu ka leexday jidkii culimada iyo ehlu diinka). Culimada ku hanuunsan jidka qur'anka iyo sunaha, ee kulansatay cimiga iyo camalka waa sida xidigaha la iftiinsado mugdiyada habeenka gudcurka ah.