“Gacalo, sidii, iyo iiddii ka dib is ma aannaan heleelin. Waa haddii aan abuuro cudurdaarka aadanuhu doorbido. Se runtii… maya! Ma wanaagsana in aan run ku furfurto dhambaalka. Sababta oo ah, Gacalooy, runta waa la isku nacaa. Niyadda aadanaha waa ku dhib iyo qulub. Xanaf baa ay si u yar lee dahay. La gu ma farxo kolka la hurdo. Qarowguba waa runtii oo aan biyo is marin. Sababta miyaa aad garanaysaa Gacalooy? Runtu, caddaaladda waa u garab. Caddaaladda lafteeda ayaa dacar ah. Si ay wax waliba isu le’ekaadaan, ayaa halgan nolol la gu waayi karo la isku maqiiqaa. Maxaa u dhintay? Si noloshu isu dheellitirnaanto. Nolol ma u dhigantaa caddaaladdu? Wax uu aadanhu ku garan karo caqliga uu aadane ku yahay, in uu noloshiisa u waayo ka warran? Soo jiraal aan jihaysnayn ma aha? Se runtu, waa in fudaydku noqdaa wax aan aadanaha aan geyaysiin waxa ay muhanayaan. Waxa ay jecel yihiin iyo sida ay u jecel yihiin in noloshoodu u noqoto. Runta ayaa ba nolosha caqabad ku ah! Gacalooy, waxa inna ka la baadiyeey waa runtaas. Runta, ayaa inna fartay in aan Bari aado, adna halkaagaas ku negaato. Waa aan og ahay, oo sidii aad ahayd u gu ma negid magaaladii. Magaaladu, qudheedu sidii ma aha. Waxaa dhacay muddadii isbeddel dhan kasta ah. Isbeddelka laftiisa, waxaa keena run aad ogaato. Mise aad dhaqangeliso? Ma garanayo e, miyaanay ku la ahayn Gacalooy in runtu wax walba beddesho? Sababta aan isu lahaa hadal kooban, oo waqti badan qaadan sheeg, waa maaddaama ay labadii duhurnimo tahay.
Maalin dheer ka dib, waa goorta qadada ka dib la indhacasaysto. Waa goorta looma’ooyaanku runta ka nasto. Runta uu habeenkii ku qarwo. Oroortii la niyadxun yahay. Duhurrada iyo goorta milicda, ayaa sida kuwa ay addoomaha u yihiin salligooda dhabarka saaraan. Neef buuxda ayaa ay sanbabada ka soo celiyaan. Wajiga ayaa ay u jeediyaan dhanka midig. Si aan kas ahayn ayaa ay laabta saaraan gacmahooda. Maalinkii oo dhan, laba saacadood ayaa ay dhintaan. Se runta ayaa soo xabaaltoosisa. Sidii ayaa ay haddana isu doorriyaan. Addoonno ku qanacsan xorriyad la’aanta, ayaa ay noqdaan. Dhiiggooda sabab la’aanta u daadta iyagu sabab qaddar la yidhaa ayaa ay u sababeeyaan. Gaajada boggooda iyo beerkooda isku dhejisay waxa ay ku quudiyaan weedh “waayo adag” la yidhaa. Xuquuqdooda waxa ay u arkaan abaal. Yaa aanaan hadal aan sii ridnayn aan ku daalin Gacalooy e, sabab addoonnimadooda ku sii haysa ayaa ay dhul iyo cirba u maraan.
Ka warran Gacalooy sida beentu aadanaha noloshiisa sabab u gu samayso? Aadanaha ay runta is hayaan runtaa farta si uu u la jaalo in uu sabab raadiyo. Sababtaas ayaa run la dhahaa. Soo wax la la dagaallamo ma aha runta baas? Waxa aan isu lahaa bariido ha u dhaafin, waa maaddaama meesha aan degga nahay la ila deggan yahay. Shan baa aannu qol aad mooddo bakhaar la gu kaydiyo alaabta dhismaha ku deggan nahay. Waa aannu isu wada muuqannaa, aan ka ahayn laabta mid walbaa buur le’eg waxa haysta ay ku gudban tahay. Asal ahaantaba, ma jecli waxyaabaha aan qoro kolka aan dareen hadlayo in uu aadane akhriyo. Waxyaabaha aan geyin in aad aadane u ga warranto ama uu foolkaaga ka akhriyo waa dareenkaaga.
Sababta haddii aad caqliga weyddiiso: adiga uun baa garan kara waxa aad dareemayso. Haddii aan saaxiibbaday u sheego in gaajo aan dareemayo, saaxiibbaday waa ay garan karaan in gaajo i hayso. Se ma dareemi karaan gaajada i haysa sida ay ii hayso. Cunto kasta waa ay i siin karaan si ay gaajada ii ga awddo, se cuntada aan jeclaan lahaa ma garan karaan. Xataa haddii aan u sheego, dan ka ma sii galayaan dooniddayda iyo dareenkayga. Ma fahantay Gacalooy sababta aan sidaas kuu lee yahay? Ma aan illaawin sidii garashadaadu u qoddo dheerayd. In aad sidii tahayna, waa aan rajeynayaa iyo in xaaladdaadu aysan si silloon i su beddelen xataa haddii aad ogaato in runi ay jirto.
WhatsApp
MahadsaniD