Cinwaanka buugga, "Garaadso Intaadan Guursan", dad qaar waxay is way diinayaan in buugga kali ah loo qoray inta aan weli guursan. Buuggu wuxuu ka koobanyahay labo qaybood: Qaybta koowaad waxay ku saabsantahay doorashada hore iyo nolosha guurka ka horraysa. Qaybta labaadna waxay ku saabsantahay nolosha guurka iyo waayaha ku xeeran. Taa macnaheedu waxa weeye; buugga dhallinyaro aan ka waayo-aragsanahay uun uma aan qorine cid walbaan u qoray, oo ay naftaydu ugu horrayso. Waxaan rejeynayaa in buugga laga faa'iido wax badanna laga korodhsado, haddii uu Alle idmo.