Buugan oo ah buuggii ugu horeeyay ee noociisa ah ee afka soomaaliga ah lagu qoro ayaa waxaa igu dhaliyay arimo ay ka mid yihiin: - Baahida ardayga sanadka 1-aad ee jaamacadda uu uqabo garab iyo latalin daacad ah. - Cabsida iyo walwalka ardayga uu ku nool yahay sanadka 1-aad ee jaamacadda oo badankeed ah wax uu ka gudbi karo. - Dhaqan jaamacadeedka iyo qaabka waxbaridda oo ah mid ku cusub kuna adag ardayga sanadka 1-aad ee jaamacadda. - Baahi dheeraad ah oo aan u qabo caawinta ardayda walaalahey ah, iyo in aan u iftiimiyo culeyskii aan soo maray aniga xilligeygii sanadka 1-aad ee jaamacadda.
KA HOR JAAMACADDA
Markii aad soo dhamaysato Dugsigaaga sare, ka hor intaadan dooran jaamacad waa in aad Qaadataa go’aan aad iyo aad muhim ugu ah noloshaada. – waana in aad doorataa xirfadda ama shaqadaada mustaqbalka, hadaba markii aad ogaatid waxa ay tahay xirfaddaadu ayaad waxaad ku dhaqaaqaysaa go’aamadan soo socda . - Doorashada Takhasuska aad Baran lahayd iyo - Jaamacaddii aad ka baran lahayd. Ma fududa Go’aamadaas, maxaa yeelay waxay saamayn ku yeelanayaan Mustaqbaaalkaga dambe.