IFIYAHA NOLASHA (FREE)

EREYO DHIIRIGELIN AH

- iimaanku wuxuu tagsiyaa muragada iyo dhibta waana il qabowsiga muwaxidiinta (kuwa alla kaliyeelay).
- Wixii tagay way tageen haka fikirin waxa dhamaaday ee tagay.
- Hadaad waa bariisato ha sugin galabaysi, ku kulmi hamigaaga hagaajinta maalintaada.
- Ka tag waxa mustaqbalka imaanaya ilaa uu ka yimaado, ha danaynin Beri maxaa yeelay hadaad maanta wanaajiso Beri ayadaa wanaagsanaanayso.
- Laazim socodka iyo jirdhiska, ka dheerow caajiska, ka tag firaaqada iyo shaqo la’aanta.
- Ugu mahad noq rabigaaga nicmada uu ku siyey, ugu mahad noq nicmada diinta, caqliga, caafimaadka, maqalka, aragga, rizqiga…..
- Miyaadan ogoyan in dadka ay ka mid yihiin kuwo waayey caqliga ama caafimaadka ama maxbuus ah ama imtixaamaysan.
- La noolow qur’aanka adigoo xifdinaya, aqrinaya, ku tadaburaya, taasi waa dawo midda ugu ween ee lugu cayriyo muragada iyo dhibta.
- Alle tala saaro u dhiibo taladaada oo idil, ku raali noqo xukunkiisa, asaga magan gal, ku tiirsanow isaga ayaa ku kaafinaya.
- Cafi cidda ku dulmisay, xiriiri cidda ku jartay, sii cidda wax kuu diiday, udulqaado cidda ku xumaysay waxaad helaysaa farxad iyo amni.
- Ogow in culayska ka danbeeyo fudeed, dhibtana ka danbeeso faraj. xaalada sidaan masii ahaanayso, maalmuhu way wareeganayaan.
- Ku farax sida alle kuu dooray maxaa yeelay adiga ma ogid sida maslaxada kugu jirta waxay noqon kartaa in dhibta kaaga khyr badan tahay barwaaqada.
- Imtixaanka aduunyada wuxuu kuu dhaweynayaa allah wuxuu ku barayaa ducada, wuxuu kaa tagsiyaa kibirka iyo faanka.
- Ka dheeraw mala xumada, tuur ismoogaysiiska sidoo kale ka dherow waxyaalaha xun iyo fikradaha jiran.
- Ogow inaadan dhibtu kaligaa ahayn, cidna Kama badbaadin muragada iyo dhibatooyinka.
- Yaqiinso inay dunida tahay meel imtixaan ku qaabil xaaladeeda allana u kaasho.
- Ka fakir dadka kaaga horeeyey nolashaan, waxaa ka mid ahaa dad la dheereeyey, la xabisay, la dilay iyo dad la imtixaamay.
- Wax kastoo ku asiiba ajarkiisa Allah ayaa ku siinaya oo ka mid ah murugta, dhibaatda, xanuunka, faqriga iyo gaajada……….
- Hala fariisan dadka carada badan, xaasidiinta ah maxaa yeelay waa dad xambaarsan murugo iyo dhib.
- Ku ilaali salaadaha inaad ku tukato jamaaco, badi ku nagaanshaha masjidka, ka caado dhigo u dagdagida salaadaha waxaad heleysaa farxad iyo sacaado.
- Waxaan kaaga digayaa dunuubta, iyada ayaa ah halka ay kasoo burqato murugta, waxay sababtaa musiibooyin.
- Yuusan ku saameynin hadalada xun ee lugu dhahaayo maxaa yeelay waxay dhibaysaa qofka dhahay ee adiga kuma dhibayso.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 53 Page
Size: 1 MB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *