Buug yarahan waxa uu si kooban oo qoto dheer uga hadlayaa cilmiga fagaare ka hadalka iyo waxyaabaha aasaasiyaadka u ah, sida khudabadaha iyo noocyadooda, inta loo qaybiyo iyo waliba waxyaabaha ay tahay in uu iska ilaaliyo madal ka hadluhu/ hadal soo jeediyuhu.
Faa’iidooyinka Barashada Fagaare Ka Hadalka
❖ In ay kobacdo awoodda aqooneed ee Fagaare ka hadalku. ❖ In uu qofku helo Kalsooni uu ku soo bandhigi karayo afkaartiisa wanaagsan iyo waliba xogta uu rabo in uu la wadaago koox gaar ah ama mid guud. ❖ In uu qofku horumariyo Aftahanimadiisa. ❖ In uu qofku noqdo mid awood u leh in uu yeesho xirfadda ka dhaadhicinta (Persuasive Skill), taas oo ka saacidaysa in uu ahaado mid hadalkiisu mar walba saamayn ku yeesho cidda uu la hadlo. ❖ In uu qofku barto Hanaanka Diyaarinta Qudbadaha. ❖ In uu qofku barto kasbashada quluubta dadka.