KOBCI XASUUSTAADA (FREE)

HORDHACA BUUGA

Buuggaan waxaad ku baraneysaa qaabka xasuusta balaaran ee Alle ku siiyay u adeygsan leheyd, taas oo dhibaato aad u balaaran ku heysa dad fara badan, sababtana mafahamsano luqada saxda ah ee caqliga loo isticmaalo marka wax la xifdinayo, ama qaabka ugu sahlan oo culuumta kala duwan aan uga faa'iideesan karno, baaritaano dhaadheer oo culumada maskaxdu sameeyeen ayaa waxay ogaadeen In ay jirto xeelado maskaxdu ay isticmaasho si ay u soo xasuusato waxa lagaa rabo, taas oo noqotay culuum dhan oo jaamacadaha aduunka lagu dhigo,
mashaariic balaaran laga sameeyay waxay gaartay heer tartamada aduunka ay qayb ka noqoto, xiddigo waawayn yeelato, taasoo cadeynaysa in maskaxdu wax kasta loo isticmaali karo hadii si sax ah looga mira dhaliyo, awoodaan balaaran ee ilaahay nasiiyay xad iyo xisaab malaha balse hal mushkilad ayaa jirto oo ah in aad baratid sidii aad u isticmaali leheyd, taas oo aan jecelahay in aan kaa caawiyo inta aan ka gaaro,
kuuna sheegi doono xeelado iyo qaabab wax loo xifdin karo, waa muhiim in aad ogaatid in insaanku uu yahay makhluuq awood xad dhaafa la siiyay balse lagu imtixaanay sida uu u isticmaali lahaa, taas ayaan aad iskugu dayi doonaa inaan wixii laga yiri aan soo aruuriyo si kheerku noo wada gaaro, dhammaan siyaasadaha aan sheegi doono waxay ku saleysanyihiin tijaabooyin cilmiyeesan. waxaa dhacday in dad badan isbedal xaqiiqa ah noloshoodi ku dhacay, oo barnaamijyadaan aad u mahadiyeen, halka kuwa kale wax badan ayna ka bedelin,
sababtuna insaanku waa mucjisa ilaahay oo wax yaabaha qiimaha leh in badan oo dadka ka mid ah ma qiimeeyaan, dahabka iyo dheemanka qiimihiisa dad ayaan dareemi Karin oo aktooda daadsanyahay, saas darteed waxa anfaca leh adiga ayaa anfaca tiri kartid halka kuwa aan anfaca leheen u yeeli kartid wax kastana aday kugu xiranyihiin, dadaalka aan samaynay hadaad dadaal iyo tababar kaa helo waa guuleysanaynaa hadii aad is dhegatirtidna adiga ayaa waqtigaaga lumiyey cidna ha eedeyn.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 89 Page
Size: 12 MB

1 thought on “KOBCI XASUUSTAADA (FREE)”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *