KU RAAXEYSO NOLOSHAADA (IIBSO)

HORDHACA BUUGA

Miyaad faraxsantahay? Ma tahay noloshan aad ku nooshahay, nolosha aad dhab ahaan u rabtay inaad ku noolaato? Haddaba, kaalay oo ila fuul doonta "Ku Raaxaysiga Nolosha", doontaas oo kaa qaadi doonta halka aad maanta taagan tahay, kuna gayn doonta jasiirad aad u qurux badan oo ay naftaadu raalli ku tahay. Waxaan aad ugu faraxsanahay oo aan kugu hambalyeynayaa, adigana isku hambalyee in aad gacanta ku hayso buugga "Ku Raaxayso Noloshaada" buug aad ka helaysid farxadda, ku raaxaysiga, macaanka, deggenaanshaha iyo quruxda nolosha. Waxaa hubaal ah in dad badan maanta adduunka ay raadinayaan farxad, deggenaansho iyo ku raaxaysiga nolasha. Waxaa haysta kadeed, murugo, welwel, xanaaq joogta ah, jaahwareer, in badan waxay taagan yihiin quus iyo rejo la'aan. Buuggan aad hadda gacanta ku haysatid wuxuu kuu soo bandhigi doonaa talaabo kasta oo aad u baahantahay in aad qaaddo, si aad u hesho raaxada nolosha, dhanka ruuxda, maskaxda, qalbiga, jirka iyo dadka. Waxaadna ka baran doontaa sida loo nooleeyo rejadaada marka ay noloshaadu mugdi gasho! Buuggan kuuma sheegi doono oo kaliya sida lagu gaaro raaxada nolosha, balse wuxuu kuu sheegi doonaa tallaabbooyin (practical) ah iyo talooyin waxtar leh oo aad ku dabaqi karto noloshaada. Dhammaan waxa ku qoran buuggan ma ahan mid ku dhisan qof fikirkiisa, balse wuxuu ka kooban yahay waxyaabaha saldhig (tiir) u ah farxadda. Buuggan wuxuu ku dareensiin doonaa raaxada nolosha dhabta ah halka laga dhadhamiyo, waxaadna ka heli doontaa dhiirigalin aad u badan oo dhammaan beddeli doonta qaabka aad u aragtid farxadda, wuxuuna ku tusi doonaa in aad tahay qofka ugu farxadda badan adduunka, balse aanan is ogeyn! Marka aad akhriso buuggan waxaad noqon doontaa qof aan la joojin karin, ilaa uu ku noolaado maalin walba farxad.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 134 Page
Nooca: PDF
Size: 18 MB
Lacagta: 1$

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *