LACAG BAA WAXTARTA (FREE)

BANGIYADA IYO URURADA AMAAHDA BIXIYA

Bangiyadu waxay u dhisan yihiin qaab ganacsi ah oo leh saamiley saami ku leh bangiga sida ganacsiyada kale. Dakhliguna waxaa laga soo saaraa iibinta howlaha bankiga uu qabto. Bangiyada qaarkood waxay qabtaa adeegyo kala duwan, macaamiishuna waxay badanaa booqdaan bangiyada isla markaana adeegsadaan adeegyada kala duwan ee bangiga. Bangiyada waa weyn qaar kood waxay laamo ku kala leeyihiin magaalooyinka waaweyn iyo kuwa yaryar ba xitaa dalka guud ahaanba si macaamiishu ugu fuduaato adeegsiga adeegyada bangiga. Ururada amaahda bixiya waa ururo aan faa’iido doon ahayn, taasoo loo jeedo faa’iidooyinka ay helaan ururada noocani ah waxaa dib loogu celiyaa ururka. Ururadan waxay bixiyaan lacago amaah oo dulsaarkeedu aad u yar yahay sidoo kale waxay bixiyaan agabyo kala duwan oo lagama maarmaanka u ah deen bixinta. Qiimaha looga mid noqon karo ururka amaahda bixiya way kala duwanta tahay waxay u dhexeysaa US$5.00 illaa US$25.00; iyadoo ay ku xiran tahay ururka. Ururada amaahda bixiya aad ayey uga yar yihiin bangiyada waxayna bixiyaan adeegyo aad loo isticmaalo iyo kuwo ay qoysasku aad u daneeyaan.

Ururka amaahda bixiya wuxuu yeelan karaan astaanta ururka Amaahda bixiya ee Horumarinta Bulshada (UAHB) iyo Ururada Dakhligooda aadka u yar yahay Iyagoo adeegsanaya erayda UAHB, ururka amaahda bixiya waxay inta badan isu diyaariyaan in ay u adeegaan isla markaasna dib u soo nooleeyaan bulshooyinka dakhligoodu uu aad u yar yahay iyadoo xubnaha ka mid ah ururadan ay la kulmaan caqabado oo ay ka mid yihiin shaqooyinka aan tabar badnayn, kuwo ku meelgaara ah, deegaameyn aan joogto ahayn, daryeel caafimaad oo la awoodi Karin, fahamka luqadda Ingiriisiga oo xadidan, dhaqaale hadiddan, waxtarka amniga bulshada, amaah xadidan ama amaahda marka qaarkood la waayo, shaqooyinka aan rasmi ahayn: Inta aadan ku qorin magacaagaa meelaha dhibcaysan, iska hub in aad heshay waxa aad dooratay. Ballaari waaya aragnimadaada bangiyeed adiga oo adeegsanaya bangiga. Booqo bangiyada hore iyo ururada amaahda bixiya ka hor intaadan xulan midkood.

XISAABTA FURAN/SOCOTA

Shaqada ugu muhiimsan ee xisaabta socota(Checking Account) waa in laga caawiyo loo maacaamiisha in ay maareyaan lacagahooda si hufan oo waxtarna leh, loona suurageliyo in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa maaliyadda(Transaction) ay sameynayaan. Xisaabta socota waxay u suuragelinaysaa qofka leh xisaabta noocani ah inuu dhigto lacag, lana baxo isagaoo soo qoraya jeeg xilliga uu doono isagoo wax lacag ah ku socon.

MAAREYNTA

Adeegyada bangigga waxay u baahan yihiim mas’uuliyad. Macaamishu waa inay la yimaadaan mas’uuliyadda ay ku maareyn karaan xisaabaadkooda; lana yimaadaa dukumiintiyo is waafaqsan iyo lana socdaan haraagga xisaabtooda. Badhig xisaabeedka (Disclosure statement) iyo Warqadaha heshiiska waxay muhiim u tahay adeegsiga xisaabaadka bangiga sababtoo ah banigiyada iyo Ururada Amaahda bixiya waxaa sharci ahaan lagu leeyahay in ay xisaabta u soo bandhigi karaan macaamiisha. Erayga “Lacag Yaridda” waxaa loola jeeda marka macaamilku uu dalbado lacag ka badan inta uu bankigga u hayo. Haddii haraagga xisaabtaadu uu ka yar yahay inta aad la bixi rabto, bankigu wuu xaq u leeyahay in uusan kaa aqbalin jeegga ama kugu dalco khidmadda si uu u ogolaado lacag la bixitaankaaga. Bixinta khidmada lacag la bixidda heer dhaafka ah (Over draft), waxaad u baahan tahay inaad qorato warqadda Heer-dhaafka ee lacag la bixidda.

AMAANADA

Shirkadda Caymiska ee lacag dhigashada Federaalka (The Federal Deposit Insurance Corporation) waa shirkad madax banaan oo dowladda Mareynkanka wakiil uga ah nidaaminta bangiyada. Shirkadda waxay hubinaysaa xisaab bangiyeedka gaaraya US$250,000 balse ma xaqiijiso saamiyada, dukumiintiyada dowladda ama shirkadaha deynta ku qaataan, maalgashiga, caymiska nolosha iyo lacagaha howlgabka. Maamulka Ururada Amaahda bixiya ee dalka (The National Credit Union Administration) waa shirkad madax banana oo dowladda Mareynkanka wakiil uga ah nidaaminta sharciyada iyo kormeerka Ururada Amaahda bixiya ee Federaalka Mareykanka; sidoo kale waxay maareysaa Sanduuqa Saamiga Caymiska ee Ururada Amaahda bixiya ee dalka (The National Credit Union Share Insurance Fund). Iyada oo hambaarsan sumacadda iyo kalsoonida dowladda Mareynka, Sanduuqa Saamiga Caymiska ee Ururada Amaahda bixiya ee dalka waxay hubinaysaa dadka xisaabta ku jirta lacag gaaraysa malaayiin ku leh Xisaabaadka ururada Amaahda bixiya ee ee Federaalka iyo kuwa ay maamulaan dowlad goboleedyada dalka mareynkan ee xisaabaad kooda yahay US$250,000.

DAKHLI

Dakhligu waa lacagta qofka ama qoyska soo gasha marka laga jaro canshuurta. Inta aan la bilaabin nidaaminta miisaaniyadda, qofku waa in uu ogaadaa inta dakhli ah ee soo gasha iyo sida ay ku soo gasho. Waxaa jira qeybo kala duwan oo dakhli ah.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 36 Page
Size: 220 KB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *