MA QARIN KARTID (FREE)

HORDHACA BUUGA

Danbiyada aan galno ma ahan kuwa naga Haraayo! xitaan hadii aan aaso ama aan joojino soo xasuushadooda ma jiro qof ilaawi karo... waa macquul inad is iloowsiisid... lkn waliga ilaawi maysid. gaar ahan xasuusaha nabarka nagu ah ee ku hareeraysan maskaxdena xanuun jinaayana dameerkeena.

Go'aanka dowlada hoose!

Taleefonka guriga wuu dhacayaaa waxuu ahaa nin ku jiray da'aada 50aadka waxuu u dhaqaqay dhanka teleefonka dhacaayo si uu uqabto "haa hello waa (cabdi rahamaan)..."waxaa soo gaaray (cabdirahmaan) warka ku saabsan in la dumin doono guriga aabihiis ka dhintay ee ku yaala xaafadoodi hore kaas oo uga tagay walaalihiis sanado ka hor..shaqaalo ka tirsan dowladda hoose ayaa u sheegay in uu heeysto mudo labo isbuuc ah si uu uga qaato alaabtiisa inta aan la burburin. wuu u mahadceliyay shaqaalihii waxuuna u sheegay in uu la socodsiinayo dhaxal sugayaasha kale ka dib markii uu dhamaaday wacitaankii ka dhexeeyay asiga iyo shaqaalaha dowlada hoose waxuu la xiriiray walaalshiis (amiira) taasoo ah da'da ku xigtay waxaana u buuxsaay bilo ka hor sanadkeedi 48aad waxayna maamule ku xigeeyn ka tahay midka mid ah iskuulada sare. (amiira) waxay mobilka ka qabatay walalkeeda ka wayn "hellow walaal, seetahay, waana sidee xaalka qoskaada" (cabdirahmaan): dhamaanteen waynu fiicanhay allah mahad leh, adiga xaalada iga waran iyo xaalka gabdhaada ... walaalahayna sidee yihhin ayagana.

(amiira) :alxamdu lillaah... gabdhahayga dhamaantooda way guursadeen.. walaalkeena (fahad)na waxuu bilaabay mashruuciisa u gaarka ah waxuuna ku fikirayaa inuu guursado waxuuna bilo ka hor u guuray guri uu kiraysay in kastoo aan ka diiday lakiin wuu ku adkeeystay. (cabdirahmaan) (fahad) isagu hada ilmo ma ahan, waxuu ku dhawyahay da'da 40jirka (amiira) :aniga aktayda kama wayno wali waxaan u arkaa walaalkayga iga yar (cabdiraxmaan) :(ali) asna iga waran ? (amiira): isaguna guriga wuu tagay waxuuna doortay inu la noolaado saxiibkiisa hadana asagu waxuu ku jiraa jaamacada sanadkiisii u danbeeyay e kuliyada caafimaadka..guriga sidaasa loogu kala tagay (asma)kaliya hada soo hartay iyadana ma siidayno doono ilaa laga guursado cabdirahan isaga oo qoslaayo ayu yiri : iyadu waxay ku jirtaa marxalada dugsiga sare marka wax laga walwalo ma jiraan amiira: iyadu waxay ahyd qoftii ilasii joogtay ka dib markay gabdhahayga dhmaantood guursadeen iyo xitaa geeridii ku timid ninkeyga Allah u naxariiste...guriga waxuu noqday cilo iyaga la'aantood. cabdiraxmaan: waxyaabo badan aya dhacay aniga gadaashayda gaar ahaan moowduuca ku saabsan (fahad)(ali) ka tagitaanka guriga ay ka tageen amiira iyado kaftamayso: hadaad na waydiin lahayd waad ogaan lahayd aqbaartooda cabdirahmaan: waad ogtahay inan ganacsi ku mashquulsanahy waana wayay waqti aan ku arko xitaa qoys keyga ii gaarka ah.

Amiira: anagaba sidoo kale qoyskaada nahay...teeda kale aniga iyo walaalada waynu kulanaaa isbuuckasta dhmaadkiisa malinkaas jimcahana way ii imaadan wana wada qadeeynaa mar walibana adiga ayayna ikaa waydiiyaan waqti kasto cabdiraxmaan: waan qirsanahay qaladkeeyga hada kadibna waxaan ku daadli doona sidaan u xoojin lahaa xiriirka dhexdeena ah waana idinla soo xiriirin doona. amiira: aad ban ugu faraxsanahay inan maqalno hadalkaas cabdiraxmaan; maanta waxaa ila soo hadleen shaqaalaha dowlada hoose waxaayna igala hadleen arinka gurigeeyni hore.. amiira si muruga leh ayeey u tiri: ma waxay go'aansadeen inay dumiyaan? cabdiraxmaan; Haa maalmo kadib beey bilaabi rabaaan dumintiisa amiira: aniga ma'ogi sabata aad uga ogaaltay arinkaas.. inagu baahi uma qabno xogaa magdhow ah nololol maaleedkeena wuu wanaagsan yahay cabdirahmaan: ma jirto sabab aan ku diidi karo arinkuna ma quseeyo lacag, waxaa jiro mashruuc wayn oo lagu hormarinaayo gobolka lagu na qurxinaayo si uu mashruucas u fulana waxaa la tirti doona dhamaan guryaha duuga ah oo gurigeeyni hore ku jiro hadaan ogolaano iyo hadaan diidnana waa isku mid.. xogaaga magdhowgana waa sheegiska caadiya mana xumo runtii amiira si walaac ka muuqdo ayay ku jawaabtay: dhamaan xasuusihi yaraanteeyni way baabi' doonaan.. aadban uga xumahay cabdirahmaan: fikrad baa igu soo dhacday kawan hadaan isugu nimaano gurigeeyni hore oo halkaas ku wada qadeeyno jimcaha intaan la dumin kadib na aan ka sheekeeysano xusuusihii yaraanteeyni amiira si farxad ka muuqato ku jawaabtay: waa fikrad fiican runtii!.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 19 Page
Size: 190 KB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *