MAANA-FAAY (IIBSO)

MAANA-FAAY (SHEEKO)

Sheekada MAANA-FAAY, waxay ka hadleysaa dhaqan jiray oo u baahnaa in laga guuro, si asluubeysan oo deggen. Waa dhaqankii ”Maqabbiyannimada”, kaas oo ay ku lunsaneyd xuquuqdii gabdhaha soomaaliyeed, dhaqankaas oo ahaa, mid keenayay in gabadha kolka uu naaskeedu soo kobco mininka ”guriga” lagu oodayey loona diidayey in ay waxbarato ama iridda aqalkooda dhaafto. Waxa uu ahaa dhaqan adag, ka hadalkiisana aan lagu dhiirran karin, xilliga ay sheekadu curatay, si gaar ahna dhaqankaas gurracan si aad ah ayey u ifisay dhacdada MAANA-FAAY”.

Qisada MAANA-FAAY, waxa ay ku bareysaa wax badan oo aad u baahan tahay, waana hubanti kolka aad kala furto inuu baalba kan xiga kuu dhiibayo ilamaa aad garato sheekadi oo kaa dhammaatay oo aad dib ugu noqoshadeeda billowdo, waa silsillad xiran oo gunud walba tan xigta si xeeladeysan kuugu dhiibeyso adiga oon dareemin.

Qisada Maana-Faay iyo qiimeheeda taariikhiga ah inta aynaan u galin, horta aan is weydiinno qisoy maxaad tahay? Runtii wax badan baa fasiraad laga bixiyey, siyaalo badanna loo rogrogey, inta ay nooc leedahayba. Hase yeeshee annaga, Soomaali ahaan, ahmiyad gaar ah ayaa bilowgeedu noo leeyahay. Waa marka horee afkeenna qoriddiisu dhoweyd, welina dihin, waa u tijaabo sida farshaxan qurxoon qoraal ahaan loogu bandhigi karo, ama sida afku dareen kasta u cabbiri karo. Waa tan labaade, dadweyneheennu ma baran akhriska sheekooyin casri ah, maxaa yeelay af-maal bay bulshadeennu ahayd, welina kama guurin, oo isagana tijaabo cusub bay u tahay. Waa tan saddexaade, bulshadeennu uma baran sawirka nolosheeda oo loo soo hordhigo sidii muraayad ay iska daawaneyso, kana arkayso ceebaheeda, xumaheeda iyo wanaaggeeda. Waxaan shaki ku jirin in haddii aan hore sheekooyinkeenna u qori lahayn, ama curiyayaal badani qisooyin casri ah noo hal abuuri lahaayeen, wax weyn ayaa iska bedeli lahaa dhaqankeenna iyo aragtideenna nolosha.

Si kastaba ha ahaatee, waa nasiibwanaag haddii dhalinyaradeennu ay u soo jeesteen hal-abuurka noocaas ah, oo kaalin weyn ka qaadanaya koritaanka wacyiga iyo dhaqanka bulshadeenna. Ninna ma mooga, bay ila tahay, in dadaal badan oo dhinacaas ah ay duruufo gaar ihi hakiyeen: waxa ugu yar kuwa ku lug leh xagga dhaqaalaha iyo xagga farsamada, oo qoraa kasta u baahan yahay in laga kaaliyo, marka uu hawshiisa wado. Waxaa hubaal ah in ay markan lagama maarmaan tahay in tallaabooyin cusub laga qaado arrimahaas, mar haddiiba afkeennii uu si sugan ugu xididdeystey maamulka, warbaahinta, dugsiyada iyo miyiga, uuna noqday saldhigga aqoonta, waxbarashada iyo cilmi baarista dalkeenna.

Qisada maanta ina hortaal, Maana-Faay, waxay ugu horraysaa tijaabooyinka cawada yeeshay oo nooca loo baahnaa ah, waxeyna ku soo banbaxday markii, iyada oo taxane ah, ay Xiddigta Oktoobar ku soo bixi jirtey, sannadkii 1979kii. Dadweynuhu, Muqdisho iyo meel kasta oo Xiddigtu gaartaba, wuxuu u muujiyey xiisayn iyo soo dhoweyn aad u ballaaran oo aan hore loo arag, ilaa xad Wargeysku codsigii dadweynaha buuxin kari waayey, tiro kastoo lagu kordhiyey ee dhawr jeer la laba jibbaaray oo saddex jibbaaray! Bixiddaas faraha badan iyo xiisahaas xad-dhaafka ah maxaa keenay? Waxa ugu dhow oo loo malayn karaa waa in sheekadani si waaqici ah u dhex-gashay nolosha bulshada; qoys iyo qof, yar iyo weyn, wiil iyo gabar, intuba dareemeen in ay hab-nololeedkoodataabaneyso, iney uga dardaar werineyso fal-celiska dhaqankooda sii doorsoomaya, una sii tilmaameyso cawaaqibkiisa.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 405 Page
Nooca: PDF
Size: 2 MB
Lacagta: 1$

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *