NAFTAYDAAY GACALO (IIBSO)

HORDHAC

Buuggan “NAFTAYDAAY GACALO” waa buug laga soo turjumay buugga ay af Ingiriisi ku qortay Cula Dayuub ee “Dear Me”, taas oo ah Suuriyaanad afaf dhawr ah wax ku qorta kuna turjunta oo dhawr buug leh, Buuggan waxa af Soomaali inoogu soo turjumay Mohamed Qaamuus.
Buuggan Dear Me, Afsoomaali ahaanna aan u bixinnay "Naftaydaay Gacalo", waa buug ina baraya sida habboon ee aynu nafteenna ula sheekaysan karno, sida aynu u dhiirrigelin karno, sida aynu ugu tilmaami karno khaladaadkeeda innaga oo aan xaganaynin, iyo sida aynu xasillooni u abuuran lahayn nafteennana heshiis ula noqon lahayn. Inta u dhexaysa bilawga maalinteenna iyo dhammaadkeeda in badan ayaynnu la hadalnaa nafteenna, laakiin sidee ayaynnu ula hadalnaa?

Ma ula dhaqannaa nafteenna si debecsanaan iyo wanaag ku jiro sida aynu ula dhaqanno saaxiibadeen, mise waxa aynu ula dhaqannaa si qallafsan oo canaan leh sida ay tahay cadaw daran ama qof danbiile ah oo u sabab ah dhammaan xaaladaha aynu ku sugannahay?!
Halkan ayay ka timi fikradda buuggani, si uu "Naftaydaay Gacalo" u noqdo buug u dhexeeya qofka iyo naftiisa, gudahiisana waxa ku duugan farriimo iyo hadallo badan oo uu qofku kula hadi karo naftiisa, islamarkaana uu ugala sheekaysan karo mawduucyo kala duwan, isaga oo [buuggani] soo gudbinaya habab togan oo ay tahay in nafta loola hadlo si kor loogu qaado niyaddeeda iyo adkaysigeeda, islamarkaana qofku uu ugu baraarugo khaladaadka ay naftiisu ku dhacayso.

Haa, "Naftaydaay Gacalo" waa buug akhristaha ku hagaya in uu naftiisa ula hadlo si debecsanaan iyo run ku dhisan, mana aha uun buug tudhaale ah oo nafta sax iyo khaladba la safan, ee sidoo kale waa mid ka caawinaya qofka sidii uu u noolaan lahaa nolol habboon oo macno leh. Waa buug ku xasuusinaya mustaqbalka quruxda badan ee ku sugaya, haddana kugu boorrinaya inaanad ka mashquulin nimcooyinka aad hadda haysato ee hortaada ka muuqda, iyo sida ay tahay inaad maalinkasta ugu noolaato sida ugu quruxda badan.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 107 Page
Nooca: PDF
Size: 574 KB
Lacagta: 2$

6 thoughts on “NAFTAYDAAY GACALO (IIBSO)”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *