Waa buug waqti, maskax igo dadaal badanba uu geliyay, sannaddo badanna ururintiisu socotay. Waa Nuun oo qalinka hal-abuurkiisa iyo wanaajintiisa iyo kor u qaadista shaqsiyadda qoraannimada iyo aqoonta afka dhigaalkiisa la xiriirtaba lagu dhiteeyay. In badan oo buuggan ka mid ahi waxay ku saabsan tahay anshaxa. Qoraalka wanaagsan kuma koobna sixitaanka higgaadda, toosinta naxwaha, iyo ereyo qurux leh oo la adeegsado. Anshaxa wanaagsani sida uu u qurxiyo qofka labbisan, ayaa uu qoraalkana u bilaa, haddii laga tagana, uu qoraalkii u foolxumaadaa. Murti badan oo Soomaaliyeed ayaa aan buuggan ku soo ururiyay si ay jidka ugu iftiimiso qoraaga.