QAWAANIINTA SUUQA SARIFKA LACAGAHA QALAAD PDF

HORDHACA BUUGA

Qorshaha ganacsi ee aad buuggan ku baran doontid waa mid ku sallaysan qawaaniin iyo xeerar ay tahay in aad mid walba fahamtid si aad u noqotid sarrifle isagu keligii isku filan, kaasi oo hayaankiisa dhaqaale aan qof kale u daba fariisan. Macluumaadka buuggan yar ku qoran waa kuwa runtii u baahan ugu yaraan 15 maalmood iyo ka badan in aad si qoto dheer ugu celcelisid, si aad u fahamtid macnaha dhabta ah ee ka dambeeya qodob walba oo qorshaheenna ku jira. Si aad uga mid noqotid dadka aadka u tirada yar ee suuqa sida joogtada ah lacag uga sameeya. Waa muhiim in aad haysatid qorshe ganacsi oo ka kooban cutubyo iyo ciwaano mid walba gaarkiisa uu barasho qoto dheer kaaga baahanyahay. Buuggaan waxa aad ku baran doontaa qawaaniin iyo shuruuc ay khasab tahay in sarrifle walba uu fikrad ka haysto. Qaanuun walba uu u sii kala bixi doonaa farqooyin iyo cutubyo gaar u sii hoos taga. Ujeedka aan qawaaniinta u soo uruuriyay ayaa ah in aad noqotid Sarrifle ka soo gudba in qof kale fikirkiisa uu ku shaqeeyo, una gudba mid isagu is wadi kara, isagoo raacaya qawaaniin iyo xeerar suuqaan lagula dhaqmi karo, kuwaas oo adigana kugu hayn doono suuqaan. Waxaan kaaga digayaa in hal qodob oo xeerarkaan ka mid ah aadan ka boodin ama aadan ka gudbin ilaa aad si fiican u fahmtid, ha isku dayin in qawaaniinta qaybtood aad fududaysatid, xataa adiga oo laga yaabo in aad horay qaybtood u soo baratay ama meelo kale aad ugu soo martay.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 175 Page
Size: 23 MB
Lacagta: $2

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Shopping Basket
Cilmiye Books
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.