SAKADA (FREE)

HORDHACA BUUGGA

Waxaan hadii Allaha awooda sare lihi ogolaado halkaan kudiyaarinayaa Maqaal kusaabsan zakada, taasoo an ugu talagalay cidii doonaysa inay afkooda Hooyo uga ciil baxaan mawduucan maadaama oo ay jiraan dad badan oo luqada Carabiga aan fahmi karin hadana ubaahan inay gutaan waajibaadka Alle saaray dushooda, saas awgeed waxaan Alle karajeynayaa inuu noqdo maqaalkani mid Faa'iido badan utara walaalaha muslimiintaa ee doonaya inay kafaa'iidaystaan.

QEEXIDDA ZAKADA

Zakada qeexideedu waa waxa uu bixiyo qofku ee kamida xaqa Alle, Lanasiiyo dadka saboolkaa, waana tiir kamida tiirarka Islaamka ee shanta ah, Waxana lagu xariiriyey sheegitaankeeda salaadda 82 aayadood, sideetan iyo labada meelood markastoo lasheego salaadda waxaa laraaciyaa zakada, Wuxuu Alle kufarad yeelay kitaabkiisa iyo sunada rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, Ummadiisuna waa isku waafaqday.

YAA ZAKADU KU WAAJIBTEY

Waxay kuwaajibtay Muslim (Gaal maya) Xor ah (Adoon maya) oo haysta maal zaka gaarey (Nisaab) noockasta hanoqdo ee noocyada maalka oo zakadu kuwaajibto.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 35 Page
Size: 500 KB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *