SALAADA SIDEE LOOGU KHASHUUCAA (FREE)

HORDHACA BUUGA

Mahad oo dhami waxey usugnaatay oona mudan Allaaha sareeyo, Naxariis iyo nabadgelyana rabbi korkiisa hayeelo rasuulkiisa muxamed sallalaahu calayhi wasalam. Horta aan isbarano magaceygu waa Maxamed muxamed makaraan, waxaan ahay arday dhigta iskuulka jaabir binu xayaan qeybtiisa nasteexo, waxaan ahay fasalka 3aad ee dugsiga sare ama form three. Buugani waa kii ugu horeeyay ee aan qoro. Asagoo ibo fur unoqodoono buugaag badan insha allaah.
Waxaa buuggaan uga hadlayaa rukni ay xadkiisa culimada qaar ay gaarsiiyeen waajib halka culimo kalane qabaan inuu sunno yahay kaas oo ah KHASHUUCA SALAADA. Waxaa alle fadligiisa ina aan buuggan bilaabay qoritaankiisa 18/3/2023 aana dhameeyo maanta oo ay taariikhdu tahay 22/3/2023 maalin arbaco ah. Alle ayaan uga mahad celinayaa oo igu garabgalay in aan soo saaro buuggan.

Sababta keentay qorista buuggan:

Buuggan waxaa igu qasbay in aan qoro dhalinyaro badan oo oo isugu jiro ragg iyo dumarba oo aan aqoonin khashuuca salaada iyo waxa uu yahayba, iyo kuwo qaarkood oo si qaldan ufahansan khashuuca salaada. Sida aynu wada ognahay soomaaliya 100% waa dad muslimiin sunni ah. Ayadoo ay raxmadaas Alle nasiiyay ay jirto hadane qaladaad badan ayaa dadka qaar kujira cibaadada ay sameynayaan. Kuwaas oo ah qaarkood kuwo dembi ah, halka kuwo kale qaarkood bidco yihiin( wax aan diinta kamid aheyn laakiin dadka ayay laqurxanaataa oo kolkaa ka diin dhigta). Hadane markasta alle fadligiisa ayaynu rajeyneynaa. Waxaa kale oo igu qasbay qorida buuggan in uu jirin buug somali kuqoran oo kahadlaya cinwaankan oo kale haduu jirane aan anigu wali arkin.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 76 Page
Size: 300 KB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *