Marka waxqabadka (performance) dhaqaalaha dalka la cabbirayo, waxa ugu horrayntaba la xisaabiyaa tacabka ama waxsoosaarka dalka idilkiis (Gross Domestic Product – GDP). GDP-gu wuxuu tilmaamaa qiimaha suuqa (market value) ee wadarta tacabka (total production) dalka. Qiimaha suuqa ee dhammaan badeecadda iyo adeegga waddanka gudihiisa lagu soo saaray muddo cayiman waxay ku siinayaan GDP-ga waddanka.
GDP-ga ama wadarta tacabka dalka inta badan looma adeegsado is-barbardhigga dhaqaalaha dalalka kala duwan ee adduunka maxaa yeelay dalalku waxay ku kala duwan yihiin tirada muwaadiniinta ku nool. Sidaasi darteed, si dhaqaalaha waddamada la isku barbardhigo, siday u kala horreeyaanna loo ogaado, waa in GDP-ga dalka loo qaybshaa tirada dadka ku nool si ay inoogu soo baxdo tacabka dalka ee qofkiiba ama saamiga qof kasta oo waddanka u dashay kaga soo hagaagaya tacabka dalka idilkiis (GDP per capital).
Tusaale ahaan, tirakoobkii ugu danbeeyey (World Economic Outlooke Database, October, 2015) ee ay soo saartay Hay’adda Lacagaha Adduunka ee IMF, waxa GDP ga waddanka Hindiya lagu qiyaasay $2,051,228, Hindiyana waxay sidaa ku noqotay waddanka sagaalaad ee adduunka ugu waxsoosaarka badan. Isla tirakoobkaasna, waxa GDP-ga waddanka Qatar lagu qiyaasay $210,109, waxayna Qatar noqotay waddanka Afartan iyo Sagaalaad ee adduunka ugu waxsoosaarka ama GDP-ga sarreeya. Akhriste, faraqa GDP-ga labada dal u dhexeeya soo uma jeedid? GDP-ga Hindiya waxa uu kan Qatar ka badan yahay $1,841,119. Sidaas oo ay tahayna, waddanka Qatar ayaa intuu doono ka qanisan Hindiya. Sababtu wax kale maaha ee tirada dadka labada waddan u kala dhashay ayaa cirka iyo dhulka isku jira! Hindiya waa waddanka labaad ee adduunka ugu dadka badan marka laga yimaaddo waddanka Shiinaha, waxana ku nool (1.252 Bilyan) oo qof (World Bank, 2013).
Halka dadka reer Qatar lagu qiyaaso (2.169 Milyan) oo qof (World Bank, 2013). Tirada dadka labada dal oo kala badan awgeed, isla sannadkaa waxa qofka reer Qatar, GDP-ga waddankiisa kaga soo hagaagayey lacag lagu qiyaasay $137,162, taas oo Qatar ka dhigtay waddanka koowaad ee adduunka ugu qanisan. Halka qofka Hindiyaanka ah GDP-ga waddankiisa kaga soo hagaagayey saami dhan $5,808, Hindiyana ay sidaa ku noqotay waddanka Boqol iyo Shan iyo Labaatanaad ee adduunka ugu qanisan (IMF, 2014). Haddiiba aad si fiican u fahantey tacabka dalka idilkiis (GDP), waxaa kuu fududaanaysa inaad fahanto micnaha Koboca dhaqaalaha oo ah halka aynu beegsanayno. Koboca dhaqaalaha, kolka si fudud loo qeexo, waxa uu tilmaamaa isbeddelka muddo cayiman oo badanka hal sanno ah ku yimaada tacabka ama waxsoosaarka dalka idilkiis (GDP). Si kale haddii loo dhigo, koboca dhaqaaluhu wuxuu ka tarjumaa korodhka ku yimaadda waxsoosaarka guud ee dalka.
Masha allah aad bay ii anfacday waad ku mahadsatihiin sidaa aad noogu soo samayseen
Qad bay ii anfacday waad kumahadsantahay