SIIRADII RASUULKA (IIBSO)

SIIRADII RASUULKA (S.C.W)

Waxaan ka waramaynaa Rasuulkii Eebe, Adoonkii wanaagsanaa uguna khayrka badnaa Basharka, waa Sayidka awlaada Nabi Aadam, waa ruuxa loogu jecelyahay ee Cimrigiisa Eebe ku dhaartay, waa shakhsiga uu Eebaha Koonka abuuray, Malaa’iktiisa iyo in badan oo dadka ka mid ah ay ku Salliyaan, waa shakhsiga iska leh Shafaacada, waa raxmadii Eebe ugu Naxariistay Basharka, kana yeelay Nabigii ugu danbeeyey una soo dhiibay risaaladii ugu danbaysay waa Nabi Muhamed Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaato. Nabigeena (S.C.W) in la adeeco waa waajib iyo in la jeclaado, laguna salliyo sababtoo ah waxa gacantiisa Eebe inagaga bixiyey Jahliga iyo mugdiga, wuxuuna inagu hogaamiyey wadada Tooska ah ee lagu badbaadayo.
Siirada Rasuulka (S.C.W) way dheertahay, sidaa awgeed waxaan isku dayaynaa in aan sida ugu haboon usoo bandhigno inshallah, waxaanan wax ka taabanaynaa Dhalashadii Rasuulka, Geeridiisii, markii la soo diray iyo ka hor intaan la soo dirin, sidoo kale Dagaaladii dhacay, dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee dhacay waqtigii uu Noolaa Xabiibkeena Muxammad (S.C.W).

Kitaabkan oo dhameystiran:
Waa: 204 Page
Nooca: PDF
Size: 1 MB
Lacagta: 2$

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *