Buuggan Cutubkiisa koowaad: Wuxuu ku saabsan yahay barashada guusha, aragtiyada kala duwan ee ku aaddan macnaha iyo qeexitaanka guusha. Halka cutubka labaad: uu la xiriiro xeerarka kala duwan ee guusha. Cutubka saddexaad: Wuxuu tilmaamayaa muhiimadda ay leedahay in uu qofka ka fikiro guusha iyo gaaristeeda. Halka cutubka afaraad: uu khuseeyo mid ka mida aaladaha ugu horreeya, ee qofka u horseedi kara in uu hiigsado guul sida qaaciddada guusha. Cutubka shanaad: Wuxuu ka digayaa mid ka mida waxyaabaha halista ku ah guusha sida cudurdaarka. Halka cutubka lixaad uu ka sheekeynayo waddada ugu macquulsan ee uu qofku u sii mari karo guusha. Cutubka toddobaad: Waa hidde sidaha buuggan! Wuxuu tusmaynayaa taariikh nololeedka toddoba shakhsi oo ka guul gaaray ganacsiga. Waxaa ka mida: Bill Gates, Zhou Qunfei, Aliko Dangote iwm. Ugu dambayn buuggan Sirta Guusha waxaa saldhig u ah labo ujeeddo: 1. In aad hesho macluumaad muhiim ah oo la xiriira guusha. 2. Dhaqangelinta macluumaadkaas adiga oo raacaya qaaciddada guusha.