WAAN KU SALAAMAY SAAXIIB (IIBSO)

012- Waan ku salaamay saaxiib

Haddii aad i weydiiso waxa kaa dhiman ee kuu diidaya in aad dadka kale la tartanto, waxa aan ku leeyahay: "oo horta yaa kugu yidhi waa in aad dadka kale la tartantaa?!
"Noloshu waa hayaan ee ma aha tartan wiilow, ee ku raaxayso oo ha u rogin goob dagaal!
Jidka qudha ee u qalma in aad beretanka (tartanka) u gashaa, waa ka jannada. Wixii isaga aan ahayninna waa dagaallo lagu guul darraysanayo, iyo tartan aan abbaar iyo ujeed lahayn.
Diinka iyo bakaylaha tartamay labadooduba waa doqomo!
Dhadhan noocma ah ayay u yeelanaysaa bakayluhu tartan kaga adkaado noolaha ugu gaabiya caalamka?!
Diinku se muxuu u galayaa tartan uu og yahay qaabka qudha ee uu ku guuleysanayaa in uu yahay in uu bakayluhu seexdo?!
Qalbigaaga nadiifi saaxiib.

Dadka kale guushooda ugu farax sidii in ay guushaada tahay. Ugu sacabbi dadka libinta gaadha sidii aad naftaada ugu sacabin lahayd. Ku farax heshiiska faa'idada leh ee uu ganacsade sameeyo, sidii in aad heshiiskaas adigu gashay. Shaqada marka uu helo deriskaagu ugu farax sidii in aad adigu heshay. In aad u fiirfiirsato waxa ay dadka kale haystaan waa fallaadh (leeb) sumaysan oo qalbigaaga ku dhacaysa, ka hor inta aanay dadka kale haleelin!
Saaxiib badiba waxyaabaha aynnu ugu yeedhno tartanku waa xaasidnimo la asturayo, oo aynnu u bixinnay magacan ah "tartan" si aynnu isugu qancinno in aynnu ku jirno dagaal loollan ah oo u qalma in la galo!

Si wacan u xasuusnow; in xaasidnimadu ay tahay denbigii ugu horreeyay ee Ilaahay lagu caasiyay samada intii la joogayba, oo waa kii Ibliis diiday in uu Aadan u sujuudo, cudurdaarka keliya ee uu diidmadaas u haystayna waxa uu ahaa "aniga ayaa ka wanaagsan!
"Xaasidnimadu sidoo kale waa denbigii koowaad ee Ilaahay lagu caasiyay markii dhulka la yimi, oo Qaabiil walaalkii Haabiil waxa uu u dilay gabadh gabadhiisa ka qurux badan darteed!
Ha yeelan sifooyinkaas ay ku astaysnaayeen Ibliis iyo Qaabiil, ka dibna ha i odhan waxa aan ku jiraa tartan!
Maya saaxiibow; gudaha ayaad ka gubtahan yoonaysaa, maadaama ay qayrkaa badhaadhe heleen,
adiguna aad ka qatan tahay!
Qalbigaaga si wanaagsan u daryeel,
Si wanaagsan u nadiifi,
Si wanaagsan u daahiri,

Bisinka u qabo wax kasta oo wanaagsan oo aad dhiggaa ka aragto, Dheh Maasha Allaah irsaaqad kasta oo qayrkaa ay helaan, Kuna raalli noqo waxa uu Rabbigaa kuu qoondeeyay, Wax ka baxsan ma soo helaysid,
xataa haddii aad noloshaada oo dhanba tartan ugu jirtid'e.
Nabaadiino saaxiib.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 343 Page
Nooca: PDF
Size: 13 MB
Lacagta: 1.5$

1 thought on “WAAN KU SALAAMAY SAAXIIB (IIBSO)”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *