WAHSI TIRE (FREE)

Waa maxay wahsigu?

Wahsigu waa mid ka mid ah xanuunnada macnawiga ah ee faraha ba'an ku haya bulsho waynta caalamka, waxaana la sheegaa in dhammaan dadka laga helo dabeecaddan wahsiga, laakiin lagu kala duwan yahay heerka uu gaadhsiisanyahay. Binii-aadamku waa noole aad u raaxo jecel, sida oo kalena aad u horumar jecel. Waa laba ammuurood oo aad u kala durugsan maah'maah Soomaaliyeed baa odhanaysa: "Dhib dabadii bay dheefi timaaddaa ". Halkaa waxaa innooga cad in dhibka, rafaadka, quus la'aantu ay tahay waddada lagu gaadho guusha, raaxada iyo horumarka. Waddadaas hareeraheeda waxaa daadsan oo buux dhaafiyay wahsi oo doonaya inuu wakhtiga kaa dilo dabadeedna kuu horseedo fashil, guul darro iyo mustaqbal madow.

Noocyada wahsiga:

wahsigu waxa uu dadka ugu dhacaa siyaabo kala duwan, waxaana la gu soo koobi karaa labo nooc oo waawayn kuwaas oo kala ah:
1. Wahsi saameeya dabeecada qofka (Behavioral Procrastination).
Wahsiga noocan ah waa mid aad u xun, wuxuuna ka dhigaa qofka mid markasta diida inuu ficil sameeyo isagoo isku qancinaya inay jirto cagabad hortaagan. Tusaale ahaan in qofku iska dhaadhiciyo in uu wakhtigu ku yaryahay oo uu san hawl qaban karin, ama naftiisa ka dhaadhiciyo oo uu cududaar uga dhigo in uu san awoodin innuu hawshaas qabto oo ay u baahan tahay awood iyo xirfad uu san isagu lahayn. Dadka uu ku dhoco wahsiga noocan ahi inta badan waa dad kalsooni yar markastana ku fashilma inay wax qabtaan, hase ahaatee markasta fashilkooda sabab usameeya.
2: Wahsiga saameeya go'aanka qofka (Decisional Procrastination).
Dadka uu ku dhoco wahsiga noocan ah waxaa ka luma go'aanka wayna ku adagtahay inay wax qabtaan, dadkani waxay aad uga baqaan inay khaldamaan, waxayna raadiyaan mar walba in ay helaan xaalad jawi daggan oo ay waxkasta saxaan kahor inta ayna wax qabanin, taasina way ku adkaataa kadibna waxay ku kaliftaa in ay noqdaan wax qabad la'aan.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 17 Page
Size: 600 KB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *