WEHEL JACEYL (FREE)

Qisada Jaceyl ee Axmed iyo Deeqo.

Wiil yo gabadh wax wada barta, duruustana meel ka wada daalacda, ayaa isla bilaabay jacayl biyo-kama- dhibcaan ah. Waxa uu degay beerka, wadnaha iyo meel kasta oo loo nisbeeyo in uu jacaylku masallaha dhigto. Inta uu ku dhex bulaalay ayaa uu ku laba qarxay. Dareen kalgacal xambaarsan ayaa ay isugu baaqayeen hadh iyo habeen. Fariimaha cishqiga sida ayaa u ahaa soor ay quutaan. Berigaas aaladaha casriga ah ee lagu wada xidhiidhaa ma jirin, sidaa darteen layn guriga ugu rakibnaa ayaa codka u kala lalin jiray. Dhawaaqa tilifoonka ayaa mar kasta aqalka ka dhex yeedhi jiray; haasaawahooda aan kala joogsiga lahayd ayaa hakad geliyay dadkii guriga kula noolaa jaaniska ay markooda dhegta qabsan lahaayeen ayaa ay laf dhuun gashay ku noqdeen. Tilifoon kasta oo soo dhacaa waxa uu wadaa dalabaad jacayl: "Axmed ma joogaa", iyo "Deeqi ma joogtaa?" ayaa maqalkii dadka ku batay. Warkoodii ayaa ku fiday labadii reer ee ay ka soo kala jeedeen. Markii uu jacaylkoodii soo shaacbaxay, xamxamtiina badatay, qofkii ugu horreeyay ee giraanta socota soo dhex galaa waxa uu noqday Axmed aabbihii. Talo waayeelnimo ayaa uu u soo jeediyay inankiisii. Haasaawaha in uu soo gabagabeeyo guurna u diyaargaroobo, ayaa uu ku guubaaabiyey. Isaguna hadal kama soo celin ee 'hawraar san' baa uu yidhi. Gacalisadiisii ayaa uu markiiba wacay, waxa uu ku wargeliyey in uu u soo geedfadhiisanayo. Markii ay intaa maqashay ayey farxad iskala garan wayday. Midho ay in badan sugaysay ayaa wakhtigii ay soo go'i lahaayeen jooga.

Warkii muusoodka iyo bushaarada xambaarsanaa ayey ku taabatay aabbaheed, balse sidii ay filaysay wax uma dhicin. Halkii uu ka soo dhawayn lahaa, wajigabax ayey kala kulantay. Arrinkii ay wadday indho fayow laguma fiirin ee didmo ayaa uu odaygu ka muujiyey. Waxa uu ku xujeeyay in ay waxbarshada dhammayso ilaa heer jaamaceed. Shan sanno oo dambe ayey ku qaadanaysaa in ay soo gabagabaysaa, sidaas darteed uma cuntamin go'aankaasi. Axmed oo war ka sugayey ayey la hadashay, in ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, arrintoodiina Bariga Dhexe marayso, ayey u sheegtay.Waa wax aanu filayn oo fajaciso ku ridaye, waxa uu talo ula noqday aabbihii. Markii ay rogrogeen xaajada, in odayga lala xididayo toos loo waco ayaa la isla gartay. Judhii loo soo bandhigay in inantiisa loo soo geedfadhiisanayoba qaylo ayaa uu afka furtay, markaas baa uu erayadan kala hor yimi: "Ma inanta yar ee waxbaranaysa ayaad rabtaan in aad mustaqbalkeeda seejisaan? Ma dhacayso, arrintaana diyaar uma ihi ee sidaa ku abshira". Axmed, warkii la is yidhi loo sheeg. Dhegiba jaan leekaatay oo arrimuhu ku cakirme. Dareenkii jacaylka oo ciishoonayaa ayaa ku labakacleeyay; markaas buu joog iyo fadhiba diiday, hadalna ay kaga dhegtay: "Haddii aan inantaa la ii doonin, taloba talo iima aha". Sheekadii waa ay sii murugtay, xaalkiisu qiiro jacayl iyo qarracan buu marayaa. Aabbihiina geed gaaban iyo mid dheerba waxa uu u koray sidii uu ugu soo xerogelin lahaa mudantii uu dumarba ka doortay. Odayga Deeqa dhalay ayaa se ku noqday darbi adag oo aan la mari karin.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 122 Page
Size: 23 MB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *