MIYIGA ILAA MADAXTOOYADA (IIBSO)

HORDHAC

Waxaan ku soo koray nolol adag oo ficil iyo dareenba leh. Waxaan garaadsaday reerkayaga oo aan dhaqaale badan lahayn xoolo miyi mooyaane. Cilmiga barashadiisa waxaan kala kulmay caqabado badan, mana helin tacliinta nidaamiga ah in yar mooyaane, balse waxaan ku guulaystay in aan naftayda wax baro. Bini aadamku kama saadaalin karo mustaqbalka, inuu maleeyo mooyaane. Waxaan ku soo koray nolol ay saldhig u tahay in qofku uu Ilaahay wakiisho rejadana aannu ka quusan. Waxaan wax badan ka bartay duruufihii adkaa ee nolosha iyo dardaarankii waalidkay oo ahaa: dedaal waad gaadhi halka aad doonayso. Waxaan ka faa’idaystay fursadihii nolosha igu soo maray in badan oo ka mid ah. Xilku waa fursad ee maaha xuquuq aad ku leedahay cidda kuu igmatay.

Waxaan aaminsanahay in aan guulaystay intii aan nolosha ka soo maray waxaana ii hadhsan guulo aan higsanayo weli adduunyo iyo aakhiroba oo rejaynayo in aan gaadho, duruufaha adag ee soo mara qofku ma noqdaan dhaliilo iyo goldaloollo lagu weeraro qof, waayo waa caqabado uu ka soo gudbay oo ka guulaystay, waa khibrad laga faa’idaysto waxaana fiican in qofku sheego oo ku dhiirrado halgankii iyo waayihii tartanka nolosha, si qofka ka danbeeya ay tusaale ugu noqoto ama aannu qofku xaaladaha adag moodin halkii ugu danbaysay nolosha ee uu ogaado in uu guulaysan karo.

Buuggan magaciisu waa “Miyiga ilaa Madaxtooyada”, qoraaguna waa Xirsi Cali Xaaji Xasan. Maxaa ka dhexeeya qoraaga iyo buugga, ka sokow in uu buugga qoray? Buuggu waxa uu ka warramayaa wiil yar oo miyi ku dhashay, ka dhashay qoys xoolo dhaqato ah, la dhashay 7 carruur ah oo kale, soo maray nolol dheer oo shaqo: mudalab makhaayadeed, maamule sare oo shirkadeed, xubin iyo kuxigeen komiishan doorashooyin ilaa wasiirnimo awood badan oo madaxtooyo ah. Buuggu, intaan tilmaannay iyo ka badanba waxa uu innagu casuumayaa ciwaan hoosaadkiisa: Socdaalkaygii Guusha.Haddaba, waa kuma qofka buuggu ka hadlayaa, muxuu saamayn ku leeyahay nolosha bulshada, halkuu se kaga jiraa? Weydiimahaa buugga ayaa si waafi ah uga warcelinaya, haddii se aan in yar ka tilmaamo aqoonta qof ahaaneed ee aan u leeyahay iyo waayaha shaqo ee aan la wadaagay isaga oo ah Wasiirka Madaxtooyada Somaliland waxa aan odhan karaa waa nin leh in badan oo sifooyinka hoggaaminta ah, kuwo uu ku soo dhashay iyo kuwo uu ka bartay, sida ay ila tahay, waayihii nololeed ee uu soo maray. Isaga oo soo noqday maamule sare oo shirkadeed iyo xubin iyo guddoon koomishanka doorashooyinka Somaliland, ku soo bartay hababka go’aan qaadashada, wada tashiga iyo ku dhiirrashada fulinta hawlaha ayuu nasiib u helay in uu wasiir madaxtooyo ka noqdo xukuumad markaa uun la soo doortay oo uu madaxweyne ka yahay Axmed Maxamed Siilaanyo.

Jagada wasiirka madaxtooyada intii Somaliland jirtay waxa lagu yaqaannay mid fadhiid ah, aan waxqabad badan laga filan, aragtida dadweynuhuna waxa ay ahayd xil meel buuxis ah oo tirada saamiyada wasiirrada beelaha uun lagu dhammaystiro. Xirsi arrintaa waa uu beeniyey, waxana uu rumeeyey halkudhegga rag hore laga soo xigto ee ah “qofka ayaa booska sameeya ee boosku qofka ma sameeyo.” Taasi waxa sii rumaynaya rag booskiisa wasiirnimo in ay galaan hortii hore u diiday ayaa markii dambe geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay uga riixan lahaayeen ee ku iman lahaayeen halkiisa, markii ay yimaaddeenna xaalku wuu noqon waayey sidii ay moodayeen oo waa ay waayeen awooddii ay meesha ka filayeen. Tolow awooddii ma Xirsi bay raacday? Booskii wasiirka madaxtooyadu markuu Xirsi qabtay waxa uu noqday ka ugu hadalhaynta badan, uguna saamaynta weyn, isaguna waxa uu noqday nin dhaliil iyo wanaagba bar tilmaameed u ah oo aan hadalhayntiisa iyo faallayntiisu ka bixin warbaahinta guud, baraha bulshada, makhaayadaha, suugaanta abwaannada iyo goob kasta oo siyaasad lagu falanqaynayo.

Waxa uu noqday nin lagu tilmaamo in uu dalkaba haysto, awooddiisuna waxa ay hadhaysay wasiirradii kale oo loo arkayey in ay isaga hoos yimaaddaan, iyada oo loo arkay in uu iyaga iyo madaxweynaha u dhexeeyo, taas oo aan waxba ka jirin, gaboodfalna ku ah wasiirradii kale oo xidhiidh toos ah la lahaa madaxweynaha, shaqada qarankana intii loo igmaday si wanaagsan u hayey, guulona ka soo hooyey maxaa yeelay golaha xukuumaddu wuxu ku shaqeeyaa go’aan wadareed.Had iyo jeer qofka caadiga ah waxa u muuqda guusha qofku gaadhay iyo raadadka uu sameeyey, waxana ka qarsoon dhibaatooyinka iyo turunturrooyinka ka hor yimid ee aan dad badani dhaaddanayn, siyaasadduna way cadow badan tahay oo waabay ka sii xag jirtaa oo halka horumarka qofka caadiga ah lagu hambalyeeyo, siyaasiga cadaawad baa uga sii korodha guulaha uu sameeyo.

Xirsigaa loo arkayey nin dalkaba haysta, waxa uu la rafanayey kala ilaalinta arrimo badan oo hadday dawladnimada dhex galaan si fudud u burburin kara, dabadiina wax badan oo arrimahaas ahi way dhaceen. Culaysyadaa uu wajahayey qaarkood waxa ay ka imanayeen dad duullaan ku ahaa jagadiisa, dad u arkayey in ay xaq u leeyihiin gacan ku qabashada awoodda madaxtooyada iyaga oo aan xil u hayn umadda, iyo qaar u arkayey in ay dadka kale ka xigaan, kuwaas oo si’ ahaan isaga ka awood badnaa oo maritaanka wadiiqooyinka awooddu u fududaayeen.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 257 Page
Nooca: PDF
Size: 2 MB
Lacagta: 2$

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *